WARARKA SOOMAALI

Maamulka G/Banaadir & Bangiga Aduunka oo ka shiray dhismaha waddooyinka

By xuseen waashitoon

October 11, 2022

Guddoomiyah Goboka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay wafdi ay hogaamineesay u-qeybsanaha Mashruuca Horumarinta Magaalooyinka ee Bangiga Aduunka Mrs Makiko Watanabe.

Kulankaan ayaa loogu hadlay Qorshaha horumarinta Caasimada Muqdisho, gaar ahaan dhismooyinka Wadooyinka Waaweyn ee Laamiyada, Wadooyinka Xaafadaha ee (Interlog) iyo wax ka qabashada Biyo qabadyada iyo Bulaacadaha Muqdisho oo ay Bangiga Aduunka ka taageeri doonto Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa uga mahadnaqay Bankiga Aduunka taageerada ay siiyaan Magaalada Muqdisho, asigoona xusay Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay sidii loo horumarin lahaa Caasimadda Muqdisho.