WARARKA SOOMAALI

Laxamiiste caan ahaa oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

By xuseen waashitoon

February 13, 2022

Waxaa dhowr iyo toban daqiiqo kahor Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Mulaxanka weyn ee Cabdikarikn Faarax Qaareey oo loo yaqaanay Jiir oo kamid ahaa Hobolada Qaranka Waaberi.

Marxuumka Cabdikarikn Faarax Qaareey ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayey Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho, waxaana xanuunkii halkaas ugu geeriyooday Maanta, isagoo markii hore laga deyrinayey xaaladdiisa Caafimaad.

Qaar kamid ah Ehelada Cabdikarikn Qaareey ayaa xaqiijiyay geeridiisa, isla markaana waxaa ka tacsiyeeyay geerida Abwaano, Fanaaniin iyo Mas’uuliyiin kale, iyagoona Alle uga baryay inuu u naxariisto Mulaxanka weyn ee Cabdikarikn Jiir.

Saacadaha soo socda ee Maanta ayaa lagu wadaa in Marxuum Cabdikarikn Faarax Qaareey Aas loogu sameeyo qabuuro ku yaalla Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.