WARARKA SOOMAALI

Lafta-gareen oo ka hadlay Badbaadada K/Galbeed ee lagu dhawaaqay & muddo kordhinta

By Xuseen Post

December 20, 2022

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa si adag uga horyimid Badbaadada KGS ee looga dhawaaqay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa uu sheegay in waxa loogu yeeray badbaadada Koonfur Galbeed aysan ka shqeyn karin Baydhabo, isla markaana xusay inuu ka xun yahay abaabulka ay wadaan mucaaradkiisa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in kuwa la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed looga baahan yahay inay tagaan deegaanada Maamulka ee ay ku sugan yihiin Al-shabaab oo ay ka bilaabaan howlgalo xoreyn ah.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayuu carabka ku dhuftay in arrinta muddo kordhinta loo sameeyay uu yahay Go’aan ka yimid Baarlamaanka Maamulka, ayna ka laaban karaan iyaga oo kaliya.

Hadalkaan ayaa waxaa uu Madaxweynaha ka sheegay munaasabad ka dhacday xalay Baydhabo, taasi oo loogu badaal-degayay sanad-guuradii afaraad ee kasoo wareegtay markii xilka Madaxweynaha loo doortay.

Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheysa xaalada cakiran oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashooyinka, balse waxaa loo ballansan yahay shirka dib u heshiisiinta ee uu iclaamiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka.