Laascaanod ( HM ) -Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Ciidamada Booliska ee maamulka Somaliland ayaa Maanta Xabsiga dhigay dhalinyaro, waxaana kasoo baxaya Warar kala duwan.
Sawirro laga soo qaaday afaafka hore ee Xabsiga Laascaanood ayaa muujinaya saddex dhalin-yarro ah. oo silsila-daysan kuwaas lagu eedeeyay inay Barahada ku Dhaliileen Xoghayaha Degmadda laascaanood, Cabdiraxmaan Khadar maxamuud.
Dhalinyaradan la xidh xidhay ayaa Tiradooda lagu sheegay afar kuwaas oo ay isku hayb hoose yihiin Masuulka loo xidhay.
Inta badan Masuuliyiinta Xilalka haya ayaan dulqaad u lahayn Dhaliilaha loo Jeediyo, waxaana Jira dad badan oo Siyaabo kala duwan ugu Xidhan deeganada Somaliland gacanta ku hayso.