WARARKA SOOMAALI

Laascaanood Garoowe oo dhaqaale looga uruuriyey Cusbitaalada Widhwidh iyo Awr-boogeys..

By Abdi rashid

August 16, 2019

Laascaanod (HM ) Xalay waxaa magaalada Garoowe lagu qabtay maqdarad lagu ururinayey qaadhaan lagu dhisayo laba Cisbitaal oo ku kala yaala deegaanka Awr-Boogays iyo Widhwidh, waxaana hawshaa soo qaban qaabiyey oo qayb Libaax ka qaatay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Garaash isagoo bixiyey 10 kun, waxa kale oo qaadhaankan 10 kun bixiyey madaxweynaha Puntland Deni, dadkii kalena waxay bixiyeen lacag gaadhaysa 160kun oo Dollar.

Marka loo eego qaab samafalid waa ay ku mahadsan yihiin dhammaan dadkii ka qayb qaatay hawshan oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha Puntland, ku xigeenkiisa,wasiirada iyo dhammaan dadka soo qayb galay ee dhaqaalahan muddo yar oo kooban ku bixiyey, sidaas oo ay tahay ayuu madaxweyne Deni doraad ku bixiyey 100kun oo dollar Garoon Garoowe laga dhisayo, cisbitaal caruur iyo dhallaan lagu badbaadinayona ku bixiyey 10 kun , waa faarqiqa u dhaxeeya deegaanka.

Waxaase arrintan ka dhalatay isweydiimo badan oo ay ka mid tahay deegaankaasi wuxuu Puntland ka tirsanaa ilaa iyo sanadkii 1998 walina Puntland xukuumad ahaan waxba kama qaban haday noqon lahayd adeegyada bulshada, Cisbitaalo, Iskuulo, Biyo IWM, miisaaniyada dawladda wali laguma darin mashruuc laga fulinayo deegaankaas oo cisbitaal ama dugsi ku saabsan Mudadaas dheer, wasaaradda caafimaadka ee Puntland oo ay ahayd shaqadeedu in ay arrimahan daryeesho waxba kama qaban.

Sidaas oo ay tahay ayaa sanadkasta waxay beesha caalamku bixisaa dhaqaale loogu talo galo horumarka bulshada, ma tahay marka arrin ay ku faanaan madaxda Puntland oo ay buunbuuniyaan arrin ay ka soo shaqeeyeen hablo ka damqaday dhibaatada ka jirga deegaanka iyada oo aynu ogayn in goobo badan maqdarado looga soo dhigay labadan Cisbitaal oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba isugu jira.

Run ahaantii waa ku waji gabax iyo ceeb in madaxda Puntland laba Cisbitaal oo ay xukuumaddu dhisi karto intay u qaadhaamaan oo ay yidhaahdaan yaa liibaanay oo labeeyey, waa hawlihii u yaalay iyo waxqabadkii laga sugayey, mana xuma in ay shacabku ka qayb qaataan hawlahan khayriga ah , laakiin xukuumadda Puntland Iyo madaxduba xalay Iyo saakaba waxay buunbuuniyaan dhaliishooda oo noqotay ammaan.

Hablaha hawshan ka soo shaqeeyey ayaa ku ammaanan marka ugu horaysa, qofkasta oo ka qayb qaatay dhaqaalihii xalay la ururiyey wuu ku ammaanan yahay sifadiisa shakhsiga ah, laakiin xukuumadda Puntland ceeb weyn ayaa dul hoganaysa, iyadoo la ogaa horena in ay deegaanka u dayaceen difaacana kari waayeen, ayey qaadhaan maanta wax qabad uga dhigeen,oo ay waliba ku faanaan, qaadhaan wax ka weyn ayaa laydiinka fadhiyaaye daaha gadaashiisa ku noqda mudanayaal.