WARARKA SOOMAALI

Laascaanood Ciidamadii ugu badnaa oo Saaka la wareegay xarumaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Sool.

By Abdi rashid

November 19, 2019

Hargeysa (HM) – Laascaanood Ciidamada Booliska maamulka Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in saakagoor horeba ay la wareegeen labo xarun oo uu xisbiga mucaaradka Wadani ee maamulka Hargeysa ku leeyahay gudaha magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo.

Labadaasi xarun ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Booliska oo saaka aroortii hore lagu soo daadiyey magaalooyinkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in amarka lagula wareegay xarumahaasi uu bixiyey taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi, kaasoo  sheegay in xukuumadu ay talaabo ka qaadi doonto dadka hor kacaya dibabaxyada uu ku baaqay Cabdiraxmaan Cirro.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona laga cabsi qabo inay markale isku dhacaan taageerayaasha xisbiga Wadani iyo ciidanka Booliska ee saaka la wareegay xarumaha xisbigaasi ee ku yaalla gudaha magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo.

Xiisadda u dhexeysa labada dhinac ayaa sii xoogeysaneysa, taasoo daba socota murankii ka taagnaa xubnaha guddiga cusub ee komishanka, ee ay dhowaan ansixiyeen golaha wakiilada Somaliland.

Shalay ayey aheyd markii rabshado xoogan ay ka dhaceen xarunta dhexe ee xisbiga Wadani oo ku taalla Hargeysa, kadib markii ay xoog ku galeen taageerayaasha iyo hoggaanka xisbigaasi oo uu ugu horreeyey guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.