WARARKA SOOMAALI

Laamaha amniga oo gacanta kusoo dhigay Burcad dhac ka geysaneysay Muqdisho

By xuseen waashitoon

July 10, 2022

Ciidamada Booliska ee ka howlgala degmada Deyniile ayaa xalay xaafado katirsan degmadaasi ku qabtay kooxo burcad hubeesan, oo dadka shacabka ah dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesanayay.

Burcadan ciidamada amaanka qabteen ayaa qaarkood xirnaa dareeska ciidanka milatariga Soomaaliya kuna hubeesnaa qoryo, halka kuwa kalana ay wateen tooreeyo ay dadka ku dhacayeen .

Maamulka degmada Dayniile ayaa sheegay in burcadan hubeesan la qabtay xilli dhac ka geesanayeen xaafado katirsan degmada o, waxaana maamulka sheegeen in burcadan sharciga lala tiigsan doono.

Kooxaha burcada hubeesan ee lagu qabto xaafado katirsan magaalada Muqdisho ayaa maalmo kadib mararka qaar laga soo daayaa xabsiyada, waxa ayna mar kale dib ugu laabtaan shaqadoodii dhaca iyo dhibaateenta shacabka.

Amanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii xumaanayay, waxaana magaalada kusoo badanayay kooxaha burcada hubeesan ee xiran dareeska ciidanka iyo sidoo kale ciyaalka weerada oo markan burcad isku bedelay.