WARARKA SOOMAALI

Laamaha ammaanka Dowladda oo soo saaray Qarax lagu aasay waddo ku taalla meel muhiim ah iyo Al-shabaab oo…

By xuseen waashitoon

November 21, 2022

 

Howlgal miino baaris ah oo laga sameeyay inta u dhexeeysa xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa lagu soo saaray qarax miino ah oo Al-shabaab dhulka ku aaseen, taas oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka saaraan gaadiidka.

Ciidamada Booliska degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa ku guuleystay inay soo saaraan qaraxa, waxaana lagu guuleystay in si gaar ah looga soo bixiyo qaraxa inta u dhaxeeysa Beled-xaawo iyo Mandheera.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Magaalada Beled-xaawo ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa markii ay heleen xog ku saabsan qarax miino oo ay Al-Shabaab ku aaseen inta u dhaxeeysa Magaalooyinka Beled-xaawo iyo Mandheera gaar ahaan barxada ina baari, isla markaana ay soo saareen Miinadii.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Magaalada Beled-xaawo ma sheegin dad ay ku qabteen howlgalkaas, balse ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada miino barista ah, sidoo kalena ay siweyn u xaqiijin doonaan amniga xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya