WARARKA SOOMAALI

Kuwait oo War kasoo saartay weerarkii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Jowhar

By xuseen waashitoon

July 18, 2022

Dowladda Kuwait ayaa si kulul u Cambaareysay weerarkii Is-miidaaminta ahaa ee shalay Al-shabaab ku qaaday Hotelka Nuur Doob ee ku yaalla Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibbada dowladda Kuwait ayaa waxaa lagu sheegay in aad uga xun yihiin Qaraxii ka dhacay Jowhar, ee lala beegsaday hotel ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka.

Kuwait ayaa tacsi u dirtay ehelada dadkii ku dhintay weerarkii Jowhar, iyagoona Caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadkii dhaawacmay oo ku jiraan mas’uuliyiin kamid ah Hirshabeelle, kuwaasi oo xaaladooda Caafimaad la dabiibayo.

Waxay sidoo kale ku celisay baaqeeda Beesha caalamka inay xoojiyaan dadaallada wax looga qabanayo dhacdooyinka qatarta ah iyo weerarada ka imaanaya Ururka Al-shabaab.

Saddex ruux ayaa ku geeriyooday qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Jowhar, isla markaana waxaa ku dhaawacmay labaatan qof oo isugu jiray shacab iyo mas’uuliyiin, sidoo kalena waxaa jira burbur xoog leh oo gaaray dhismayaal.