WARARKA SOOMAALI

Kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka ee Banaadiriga oo la shaaciyay

By xuseen waashitoon

December 14, 2021

Guddiga maamulka Doorashada kuraasta Banaadiriga ayaa Goordhaweyd shaaciyay qabashada shanta kursi ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kuraasta ay doorashooyinkooda qabanayaan ayaa kala ah; Hop 105 oo uu hadda ku fadhiyo Jeylaani Nuur Iikar, Hop265 oo uu ku fadhiyo Lufti Shariif Maxamed, Hop266 oo ay ku fadhido Biibi Khaliif Maxamed, Hop034 oo uu ku fadhiyo Khaalid Mocoow iyo Hop084 oo ay ku fadhido Fahma Axmed Nuur.

Guddiga doorashada Banaadiriga ma sheegin xiliga rasmi ahaan ay bilaabaneyso doorashadan Golaha Shacabka, iyagoo qoraalkooda ku xusay inay dib ka soo gudbin doonaan xiliga ay bilaabaneyso doorashada.

Xalay ayey aheyd markii Guddiga doorashada Maamulka Jubbaland ay shaaciyeen qabashada doorashada 14 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaannada Maamulkaas, in kastoo aysan shaacin waqtiga ay bilaabayaan doorashada.