WARARKA SOOMAALI

Kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Doorashadooda lagu qabanayo Baladweyne

By xuseen waashitoon

March 12, 2022

Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay qabashada doorashada afar kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka harsan ee taalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada ayaa lagu sheegay inay qabanayaan doorashada afar kursi oo ah kuwo adeg, waxaana qabashada ergada iyo diiwaan-gelinta Musharaxiinta kuraasta lasoo saaray ay bilaabaneysaa maalinta berri oo Axad ah,

Doorashada afarta kursi ee Golaha Shacabka ayaa waxaa ay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka dhaceysaa maalinta Isniinta ah, sida lagu caddeeyay Jadwalka doorashada ee lasoo saaray.

1-Kursiga HOP#004 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Maxamed Xasan Qoone.

2-Kursiga HOP#011 ayaa waxaa sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyey Maxamed Cumar Maxamed oo mar soo noqday Wasiirkii hore ee amniga Xukuumadda Soomaaliya.

3-Kursiga HOP#063 ayaa waxaa ku fadhiyey Cabdullaahi Goodax Barre oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.

4-Kursiga HOP#135 ayaa waxaa sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiday Aamina Maxamed Cabdi.