WARARKA SOOMAALI

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo furmay iyo Ajendayaasha

By xuseen waashitoon

April 16, 2022

Waxaa goor dhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulankii ugu horreeyay ee Xildhibaanada cusub Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib markii Xildhibaanada la dhaariyey.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa yahay ansixinta Ajendaha, dhaarinta Xildhibaano cusub oo aan weli la dhaarin iyo Hadal-jeedinta Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisalaam Axmed Liibaan.

Sidoo kale Ajendaha kulanka ayaa waxaa ku jira qeybinta Xeer hoosaadka Golaha Shacabka BJFS7-Qeybinta habraac kumeel gaar ah ee kala guurka Baarlamanka 10-aad iyo baarlamanka 11aad iyo xeer hoosaadka u gaar ah doorashooyinka Guddomiyaha Golaha Shacabka Iyo Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Soomaliya iyo Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya.

Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominaya Xildhibaan Cabdisalaam Axmed Liibaan oo ah Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, waxaana inta uu socdo kulanka hadalo ka jeedinaya Xildhibaano kooban, sida uu qorshahu yahay.