WARARKA SOOMAALI

Kulan Xasaasi ah oo ka socda Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Xiisaddii Kenya oo..

By Abdi rashid

February 17, 2019

Muqdisho ( HM) kulan degdeg ah  ayaa  xilligan uga socda Villa Somalia  Madaxda dowladda Soomaaliya, iyadoo kulankan looga hadlayo xiisada siyaasadeed ee ka dhex qaraxyday Soomaaliya iyo Kenya.

Kulankan ayaa waxaa qeyb ka ah Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Safiirkii Soomaaliya ee u fadhiya Kenya, kaasoo saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii dowladda Kenya ku amartay inuu degdeg uga baxo dalkooda.

Wararka ayaa intaa ku daraya in kulankan ay sidoo kale qeyb ka yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo La Taliyeyaasha sare ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana arrimaha ugu muhiimsan ee looga hadlayo ka mid ah go’aankii dowladda Kenya ay xiriirka diblomaasiyadeed uga jartay Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa la Filayaa inay   soo saari doonto war murtiyeed ku saabsan go’aanka dowladda Soomaaliya,    waxaana bulshada Soomaaliyeed  Bilaabeen  doodo ay uga fal celinayaan go’aankii Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa qoraal ay soo saartay oo ka kooban 15 qodob waxay dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay ku soo xadgudubtay dhulkeeda, isla markaana dowladda Sooomaaliya ay beecisay shidaalka dhul badeed ka tirsan xuduudka Kenya, sida ay ku andacootay, waxaana ay wada tashi ugu yeertay Safiirkeedii u joogay Muqdisho, halka Safiirkii Soomaaliya ee Nairobi ku amartay inuu si degdeg ah uga baxo dalkeeda.