WARARKA SOOMAALI

Kooxo Ajaanib hubeysan oo isku rasaaseeyay Degmo ka tirsan Magaalada Istanbul

By xuseen waashitoon

June 06, 2022

Wararka aan ka heleyno Magaalada Istanbul ee dalka Turkiye ayaa sheegay inay labo koox oo Muwaadiniin shisheeye ah ku dagaalameen degmada Esenyurt ee Istanbul.

Dagaalka labada kooxood ee hubeysnaa ayaa waxaa uu dhaawac ka soo gaaray 3 qof oo kamid ahaa dadweyne farabadan oo ku sugnaa goobta ay Israsaaseynta ka dhacday.

Warbaahinta Turkish broadcaster A Haber ayaa soo weriyey in mid ka mid ah dadkii dhaawacmay ay xaalladiisa aad u liidato, lana dhigay Isbitaalka.

Ciidamo Boolis isku-dhaf ah ayaa gaaray goobta lagu dagaalama, waxayna bilaabeen Baaritaanka dadka Shisheeyaha ee ku lugta lahaa Dagaalkaasi.

Booliska ma aysan shaacinin Kooxaha hubeysan dalalka ay ka soo kala jeedaan iyo waxa sababay Dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Istanbul oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi.