WARARKA SOOMAALI

Kolonyo Sahay Gargaar waday oo gaaray Qasa iyo Dhuumihii Biyaha oo…

By xuseen waashitoon

October 29, 2023

10 Gaadiidka Gargaarka ayaa saakayto ka gudbay Macbarka Rafax, sida ay sheegtay Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin (The Palestinian Red Crescent (PRCS).

Sahaydaasi oo ka kooban Raashin iyo Qalab Caafimaad ayaa waxaa ku soo deeqday Ururka Bisha Cas ee Masar (The Egyptian Red Crescent).

Ilaa haatan 94 Gaadiidka Gargaarka ayaa gaaray magaalladda Qasa ee go’doonsan,  tan iyo markii uu Dagaalka XAMAAS iyo Israel bilowday bishan October 7-dii.

Dhanka kale, Israel waxay maanta dib u furtay Dhuumaha ama Tubooyinka Biyaha gaarsiiya Qasa.

Madaxa Hay’adda Biyaha ee magaallada Qasa, Mazen Quneym ayaa xaqiijiyey in dib loo furay dhuuntii labaad ee ka mid ah saddexda Dhuumood ee Biyaha sii gaarsiiya Qasa.

Tallaabadaasi waxay yareyn doontaa Biyo La’aantii ka jirtay Marinka Qasa,  tan iyo markii ay Israel bilowday Duullaanka iyo Cunaqabataynta dadka Reer Falastiin ee ku sugan magaalladda Qasa iyo Guud ahaan Deegaanada Marinka Qasa ee Falastiin.