WARARKA SOOMAALI

Khilaaf xoogan oo soo kala dhex-galay Madaxweyne Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa

By xuseen waashitoon

March 08, 2022

Khilaaf xooggan oo salka ku haya hannaanka loo marayo doorashada kuraas kamid ah Golaha shacabka oo taalla magaalada Baledweyne ayaa soo kala dhax gashay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo kuxigeenkiisa Yuusuf Dabageed.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa wararku sheegayaan in uu doonayo in doorashada kuraastan la furo si looga baaqsado xiisad ka dhalata magaalada Baledweyne halka Yuusuf Dabageed uu u rabo in loo xiro xubno gaar ah.

Kulamo saacadihii lasoo dhaafay arrintan xal looga gaarayay ayaa guul dareestay, waxaana wali Baledweyne ka socda dedaalo la doonayo in xal looga gaaro khilaafka si loo doorto kuraasta harsan.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa dhawwaan u balan qaaday beelaha leh kuraasta harsan ee taalla Baledweyne in la furayo ayna noqoneyso doorashada mid xalaal ah si looga baaqsado khilaaf iyo dhibaato ka dhalata doorasho la boobo.

Kuraasta khilaafka xooggan ka taagan yahay waxaa qaarkood ku fadhiya Wasiiro hore ay ku jiraan Cabdullaahi Goodax Barre iyo C/risaaq Cumar Maxamed, waxaana kuraasta taalla Baledweyne isku soo sharaxay siyaasiyiin saameyn badan ku leh Hiiraan.