WARARKA SOOMAALI

Khasaaro ka dhashay Duqeymihii Ruushka uu la beegsaday Ukraine

By xuseen waashitoon

February 24, 2022

Ugu yaraan 7 qof ayaa lagu dilay, 9 kalena wey ku dhaawacmeen Duqeymihii ay Milliteriga Ruushka ka geysteen qeybo ka mid ah dalkaasi.

Dowladda Ukraine ayaa soo bandhigtay Khasaarihii ka dhashay Duqeymahaasi lala beegsaday magaallooyin ku yaalla dalkaasi.

Dhinaca kale, Wasaarada Difaaca ee Ruushka waxay beenisay inay duqeeyeen Magaalooyinka dalkaasi, balse ay beegsadeen Garoomo Diyaaradeed iyo saldhigyo Milliteri.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa waxaa lagu xusay in la burburiyey Nidaamka Difaaca, Diyaaradaha iyo Garoomada ku yaalla Bariga dalka Ukraine, isla markaana ay naafeeyeen Khatartii Milliteri ee ku teedsanaa Xuduudka ay la wadaagaan Ukraine.

Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa waxa uu ka codsaday Hoggaamiyayaasha dalalka Caalamka inay Ruushka ku soo rogaan Raashiya dhammaan Cunaqabatayn kasta oo ay suurtogal ah.