WARARKA SOOMAALI

Khasaaro ka dhashay Diyaarad Dagaal oo ku burburtay dalka Urdun

By xuseen waashitoon

June 05, 2022

Labo Duuliye oo ka tirsan Ciiddanka Cirka ee Boqortooyada dalka Urdun (The  Jordanian Air  Force  RJAF) ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen Shilkaasi oo  xilli hore oo Maanta oo Axad ah ku dhacay Magaaladda Ramtha oo ku taalla Waqooyiga dalkaasi.

Diyaaradaasi oo ahayd Nooca Tababarka ee (Grob training Plane) ayaa la sheegay inay cillad farsamo ku timid, iyadoo Hawada ku jirtay, kadibna dhacday deegaan aysan dadka ku badnayn oo ku taalla magaallada Ramtha ee Waqooyiga dalkaasi.

Wakaalladda Wararka dalkaasi ee PETRA ayaa ka soo xigtay Taliska Ciiddanka Cirka ee dalkaasi in  labada Duuliye ee Shilkaasi ku dhintay lagu kala magacaabi jirey Major Bilal Mashhour Ahmed Al-Shoufein iyo Captain Muhammad Mustafa Abu Ghanmi.