WARARKA SOOMAALI

Khasaaro badan oo ka dhashay Qaraxii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

By Xuseen Post

December 18, 2020

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax Is-miidaamin ah oo gelinkii dambe ee galabta ka dhacay goob ka socotay xafladda soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qaraxa oo uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad ay ku rakiban yihiin walxaha qarxa ayaa ka dhacay Albaabka garoonka kubadda Cagta ee Cabdullaahi Ciise ee Magaalada Gaalkacyo dhinaca Koofureed ee maamulka Galmudug.

Dad goobjoogayaal ah ayaa ku warramay in qofka is qarxiyay uu beegsaday goob ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Saraakiil Ciidamada Xoogga dalka iyo Ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Inta la xaqiijiyey in ka badan 20 qof oo isugu jira Saraakiil, Askar iyo shacab ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka tirro intaas ka badana ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad, si loogu dabiibo.

Xilliga qaraxa uu dhacayay gudaha Garoonka kubadda Cagta kuma juri RW Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi ballaaran oo la socday, wallow ay ku suganaayeen gudaha Magaalada Gaalkacyo oo halkaas ay tegi lahaayeen.