WARARKA SOOMAALI

Khasaaraha ka dhashay Qaraxii lagu laayay Ciidamada ee Maanta Muqdisho

By xuseen waashitoon

July 24, 2023

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac farabadan ayaa ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay gudaha xero ku taalla kuliyadda Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho, jugta qaraxaasi ayaa waxaa laga malqay inta badan degmooyinka Muqdisho.

Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa si toos ah u beegsaday ciidamo ka tirsan guutada 14-ka Octoobar oo maalmo kahor soo gaaray Muqdisho, waxaana la qarxiyey xilli ay saf dheer ku jireen oo ay gaardis sameeynayeen, sida aan xogta ku helnay.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa BBC-da u sheegay in 25 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ay dhinteen, halka dhawr iyo afartan kale dhaawacmeen, kuwaas oo loo kala qaaday isbitaalo ku yaala Muqdisho.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ninka is qarxiyay uu xirnaa dareeska ciidanka, isagoo gudaha xerada ku galay aqoonsi been abuur ah, uuna isku dhex qarxiyey ciidamada.

Qoraal ay Al-Shabaab ku faafiyeen barahooda Interner-ka ayaa lagu sheegay in ninka is qarxiyay uu dilay 73 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka , isla markaana uu dhaawacay 124 kale.

Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay miltariga Soomaaliya oo ka hadlaya sida xerada kuliyadda Jaale Siyaad ay wax uga dhaceen iyo tirada khasaaraha ciidanka ka soo gaaray qaraxa lala beegsaday