WARARKA SOOMAALI

Kenya oo War kasoo saartay wadahadallada Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland

By Xuseen Post

December 12, 2022

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay soo dhaweyneyso wadahadallada dib u bilaabanaya ee Soomaaliya iyo Somaliland, oo dhowr jeer hore loogu guuleysan waayay in labada dhinac heshiis gaaraan.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha dalka Kenya, Monica Juma ayaa Qoraal ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in Kenya ay soo dhaweyneyso sida Soomaaliya iyo Kenya uga go’an tahay dib u furida wadahadallada.

Monica Juma ayaa carabaabtay in 8-dii bishaan December 2022 ay hoggaamiyeyaasha labada ay heshiis ku gaareen dib u furirda hannaanka dib u heshiisiinta, isla markaana ay isku raaceen arrintaas.

“Waxaan soo dhaweyneynaa sida ay uga go’an tahay dhammaan dhinacyada inay sii wadaan waddada nabadda waarta. 8dii Diseembar, Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland waxay ku heshiiyeen dib u furirda hannaanka dib u heshiisiinta” ayey tiri Monica Juma.

Dowladaha Norwey iyo Turkeyga ayaa fududeynaya qabsoomida wadahadsladan, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin xiliga ay labasa dhinac miiska wadahadalka ay isku kusoo fariisanayaan iyo halka gogosha la dhigayo.