Site icon HORUFADHI MEDIA |

Kenya oo Jawaab kedis ah ka bixisay Go’aankii ay DFS xiriirka ugu jartay

Dowladda Keny ayaa si qabow oo aan la fileyn uga jawaabay go’aankii xalay kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay xiriirka diblomaasi ugu jartay dalka Kenya.

Afhayeenka dowladda Kenya Cyrus Oguna ayaa sheegay inay Kenya guddi u saartay xallinta khilaafka diblomaasi ee kala dhexeeya Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray in labada dal ay xiriir fiicaan lahaayeen sanadihii la soo dhaafay, ayna muhiim tahay in xirriirkaas la ilaaliyo.

“Wadahadallo ayaa soconaya si xiriirka labada dal uu ugu soo noqdo mid caadi ah.. Waxaa jira guddi loo xilsaaray eegidda arrimaha soo kala dhex galay labadan dal..” Ayuu yiri Afhayeenka dowladda Kenya oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe kadib soo saartay go’aan xiriirkii diblomaasi ugu jaray Kenya, iyadoo lagu amray diblomaasiyiinta Kenya ee jooga Soomaaliya in ay dalka uga baxaan muddo 7 maalmood gudahood ah halka kuwa Soomaaliya lagu amray in ay dalkooda dib ugu so laabtaan.

Exit mobile version