WARARKA SOOMAALI

Kenya oo Jabuuti codad badan kaga horaysa Kursiga muhiimka ah ee Qaramadda Midoobay-Akhriso

By Abdi rashid

June 17, 2020

Muqdisho (HM)-Dowladda Kenya ayaa ku guuleysatay kursigii Golaha Amaanka ee ay isku haysteen Dowladaha Kenya iyo Jabuuti, sida ay sheegayaan warar goordhow nasoo gaadhay.

Labada dal ayuu midkoodba ku doodayey doorka ay ku leeyihiin nabadaynta qaaradda Afrika, gaar ahaan Bariga Afrika, waxaana xafiiltankoodu gaadhay meel kulul, iyada oo la sheegay in shirkii ugu dambeeyey ee madaxda gobolka qaarkood joogeen ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay Jabuuti albaabada ka oodatay Kenya oo codsatay inay kasoo qayb gasho.

Dalal badan oo Islaam ah ayaa la filayey inay Jabuuti u codeeyn karaan, balse nasiib xumo Jabuuti ma helin codad ku filan oo ay ku heli karto kursigan saamaynta leh. Kenya ayaa iminka kursigan ku fadhin doonta 2 sanadood (2021-2022). 193 dal ayaa u kala codeeyey labada dal.

Kenya ayaa sida natiijada hordhaca ah lagu shaaciyay cod aqlabiyad leh kaga guulaysatay Dowladda Jabuuti iyadoo Kenya ay u codeeyeen 113 dal oo kamid ah dalalka Golaha ku jira, halka dalka Jabuuti ay codka siiyeen dalal gaadhaya 78 dal, Khamiista Beri ah ayaa la filayaa in lasoo gaba gabeeyo codeynta ugu dambeysa iyadoo labada dal ay si rasmi ah ugu kala bixi doonaan Kursiga.

Labada dal ayaa aad iskugu xumaaday intii lagu jirey ololaha loogu jirey kursigan caawa Kenya ku guuleysatay.

Guushan ay Kenya ka gaadhay Kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha amaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa ka dhigan in Kenya ay door weyn iyo galaangal ku yeelan doonto qaraarada kala duwan ee Qaramadda Midoobay , sidoo kale Kenya oo la ogyahay inay u ciil cunsan tahay dalal badan oo Gobolka ah ayaa laga yabaa in ay awoodda Kursigan ku muuqiniso.

Dhanka kale Dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa caawa la hagoogtay guuldaro dhanka Diblamaasiyadda ah, maadama labadan dal oo si weyn isaga kaashanayay isla markaana dalaalkii ugu badnaa ku bixiyey kursigan ay waayeen caawa.

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya muran dhanka Badda ah kadib markii Kenya ay Soomaaliya ku qabsatay qaybo kamid ah Badda Soomaaliya oo xuduuda ah isla markaana qani ku ah Gaaska dabiiciga ah, Kiiska ayaa hadda yaala Maxakamadda Cadaalada adduunk ee ICJ taasoo Soomaaliya ay sanadkii 2014kii codsatay in ay qaado kiiska in kastoo dhowr jeer u dib u dhacay kadib dalabyo ay Dowladda Kenya u gudbisay Maxakamadda.

Wixii warar ee kasoo kordha wararka ku saabsan Kurisgan halkan kala soco.

Horufadhi News

Sawir hore Qaramadda Midoobay.@Horufadhi News