WARARKA SOOMAALI

Daawo:Kenya oo Heshiiskii uga Baxdey Dowladda Farmaajo iyo Diyaarad maanta Muqdisho ka kacday oo Wajeer laga dajiyey-Video

By A. Hindi

April 04, 2017

Diyaarad maanta ka baxday Magaalada Muqdisho kuna wajahneyd dalka Kenya ayaa waxa ay sii martay Magaalada Wajeer,si halkaasi loogu baaro.

Diyaarad maanta ka ambabaxday Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay sii martay Magaalada Wajeer halkaasi oo sida caadada aheyd lagu baaray Rakaabka Diyaarada la socday iyo guud ahaan Diyaarada intuba.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in Diyaaradan ay marto Wajeer maalintii uu dhaqan galayay heshiiska ku saabsan in Diyaaradaha Muqdisho ka baxa ay si toos ah u tagaan Dalka Kenya, Diyaarad ka ambabaxday Magaalada Mudisho ayaa si toos ah ugu degtay Garoonka Diyaaradaha ee Kenya.

Rakaabka Diyaarada saaran ayaa qaarkood sheegay in Diyaarada beri wixii ka dambeeya duulimaadkeedu uu toos noqonayo sababta Arrintan ay u dhacdeyna tahay cilad farsamo oo sharciga duulimaadka tooska ah.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa horey u kala saxiixday heshiis ku saabsan in Duulimaadyada Diyaaradaha dalka ee ka ambabaxa Muqdisho kuna sii jeeda Kenya ay si toos ah uga degaanka Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee dalka Kenya.

Waxba iskama badalin heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya ee Duulimaadka tooska ah Nairobi iyo Muqdisho, kaasi oo ay dhowaan kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.