WARARKA SOOMAALI

Kacdoon ka dhan ah  Al-shabaab oo looga dhawaaqay Muqdisho iyo Abaabul socda

By xuseen waashitoon

January 11, 2023

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uga dhawaaqday kacdoon ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab, kaasi oo ka bilaabaya maalinta berrito, loogana soo horjeedo kooxda Shabaab oo dagaal ku jirta dowladda.

Banaanbax ballaaran ayaa lagu wadaa inuu berrito oo khamiis ah uu ka dhaco Muqdisho gaar ahaan Garoonka kubada cagta ee Injineer Yariisow, waxaana banaanbaxa abaabulkiisa wada maamulka Gobolka  Banaadir.

Sida uu qorshahu yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo inta badan mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa maamulka Gobolka ayaa ka qeyb geli doona banaanbaxa ka dhacaya Muqdisho ee lagu taageerayo guulaha dowladda ka gaartay dagaalka.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ka hadlay abaabulka socdo ee dibad-baxa ayaa sheegay inay ka qayb qaadaan dhammaan qaybaha bulshada iyo sidoo kale hay’adaha dowladda federaalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ujeedka uu yahay in meel looga soo wada jeesto kooxda Al-Shabaab oo haatan culeys xoogan kala kulamaya howlgallada gobollada.

Arrimahaan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay guullo kasoo hoyeen dagaallada ka socdo inta badan gobollada dalka.