WARARKA SOOMAALI

K/Galbeed oo shaacisay kuraastii ugu dambeeysay ee Doorashada Golaha Shacabka

By xuseen waashitoon

March 10, 2022

Guddiga Maamulka doorashada heer dowlad Goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay doorashada kuraastii ugu dambeeysay ee taallay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ahna Caasimadda ah KMG ee maamulkaasi.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaana soo gabagabeenaya doorashada xildhibaanada gollaha shacabka kahor 15-ka bishan oo mar kale loo ballamay in lagu soo gabagabeeyo doorashada Xildhibaanada gollaha shacabka.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayeyna ku shaaciyeen doorashada todobada kursi ee ugu dambeesay ee taalla Baydhabo, kuwaa oo la filayo in dhawwaan lagu doorto magaaladaasi.

Guddiga ayaa laga sugayaa inay soo saaran maalmaha soo socda Jadwalka kuraastan iyo Guddiga Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa kuraastaas oo doorashadoodu la qaban doono maalmo kadib, sida uu qorshahu yahay.