Taliska Guutada 2-aad ee ciidanka Daraawiishta mamulka Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan saacadihii la soo dhaafay waxa ay ka sameeyeen deegaanada dhaca dhinaca Waqooyi ee magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.
Ciidanka ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Wirkooy ee Waqooyiga magaalada Kismaayo waxa ay ku qabteen Sarkaal Alshabaab u qaabilsanaa sameynta Qaraxyada iyo dhigidda Miinooyinka.
Sarkaalkan ka tirsanaa Alshabaab oo lagu magacaabo C/qaadir Cumar Cabdi Nuur oo Alshabaab u qaabilsanaa Miinooyinka lala beegsado ciidamada ku safra gobolka Jubbada hoose.
Ciidamada ayaa Sarkalka Gacanta ku dhigay xilli uu ka soo baxay deegaan uu isku qari jiray,islamarkaana tagnaa goob uu kula ballansanaa Nin kale oo ka tirsanaa isla Alshabaab,hase’ahaate Ciidamadu ay ku amreen in ay isdhiibaan.
C/qaadir Cumar Cabdi Nuur ayaa isku dhiibay ciidamada hase’ahate waxaa la yaab leh uga baxsaday Sarkaalkii kale oo isku tuuray Webiga,kadibna ay Rasaaseeyeen ciidamada.
Ninkaan ayaa la sheegay in uu Quusay si uu iskaga ilaaliyo in Xabaduhu ku dhacaan isaga oo adeegsaday xeelad cusub oo aan horay loo arag sidaasna uga baxsaday Gacanta ciidamada Darawiishta Jubbaland.