WARARKA SOOMAALI

Jubbaland oo kulan la yeelatay howlgalada lagula dagaalamayo Al-Shabaab

By xuseen waashitoon

July 15, 2023

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Shir gudoomiyay kulan lagaga hadlayay dardar galinta howlgalada kasocda deegaanada Jubaland ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Kulanka Waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga General Yusuf Osman iyo taliyayaasha Ciidamada iyo Hay’adaha amniga Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay shaqada adag ee ay hayaan Ciidamada kala duwan ee Howlgalka ku jira kuwaas oo jab xoogan gaarsiiyay maalmahii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in howlgalada ilaa hada la sameeyay laga gaaray guulo wax ku ool ah oo ay ku diirsadeen shacabka loona baahan yahay in lasii joogteeyo si cadowga la isku raaciyo.

Madaxweynaha ayaa shacabka ree Jubaland ugu baaqay inay garab istaagan Ciidamada howlgalada ku jira oo u dhimanaya una dhaawacmaya sidii Khawaariijta looga hor wareejin lahaa shacabka ay dhibka ku hayaan.