HORUFADHI MEDIA |

Jubbaland oo ka hadashay Ciidamo iyo gaadiid ay Dowladda geeysay Gedo

War-saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Jubbaland ayaa looga hadlay Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya, hub iyo gaadiid dagaal oo dowlada Federaalka geesay Gobolka Gedo.

Maamulka Jubbaland ayaa nasiib daro ku tilmaamay in Gobolka Gedo ay ka jirto xaalad bini’aadanimo in dowlada federaalka doorkii laga filayay gar gaar ay halkaasi ka dejiso taa badalkeeda u daabusho ciidamo iyo hub kala duwan.

Jubbaland ayaa sheegtay in abaaro darran ay ka jiraan Gedo oo saameeyay dadka iyo doonyada, isla markaana sababay khasaaro naf iyo maalba intaba, iyadoona Isbuucyadii ugu dambeeyay ku howlneyd sidii dadka Gargaar loo gaarsiin lahaa.

Qoraalka kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo shalay dowladda Federaalka Soomaaliya degmada Doolow ka dejisay Ciidamo, Hub iyo gaadiid dagaal, kuwaasi oo laga qaaday Magaalada Muqdisho.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Jubbaland.

Exit mobile version