Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Booliska Milataaro ayaa gacanta kusoo dhigay jeneraal Sheegow oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka Milateriga oo xalay illaa iyo saakay isaga iyo ciidamo uu hoggaaminayay ay Muqdisho dagaal kula galeen Booliska.
Ciidanka Booliska ayaa Jeneraal Sheegow lasoo qabtay 25 Askari oo daacad u ahaa, isla markaana dagaal xooggan ay la galeen ciidanka Boolis Milataaro, kaasi oo ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee magaalada Muqdisho, dagaalka ayaana qaatay saacado badan.
Saraakiisha ciidamadda booliska ayaa goordhow isugu yeeray warbaahinta, iyadoo la filayo iney faah faahin ka bixiyaan dagaalka, khasaaraha a dhashay iyo waxa laga yeelayo sarkaalkaasi Sheegow oo la tilmaamay inuu guri ku heystay ciidamo farabadan.
Dagaalkan ayaa markii hore ka bilowday, kadib markii ciidamada Boolis Milataaro ay ku baxeen dhibaato la sheegay in ciidamada uu wato Jeneraal Sheegow ay ku hayeen dadka deegaanka, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka oo saacado badan socday.
Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale la wareegay goobta lagu dagaalamay, waxaana haatan gaaray saraakiil sar sare oo ka tirsan hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.
Iska hor imaadkan ayaa sidoo kale sababay barakac ay sameeyeen dadka deegaanka, kadib markii uu sameeyay dagaalka culus ee ka dhacay halkaasi, waxayna dadka ay si gaar ah uga barakaceen xaafadda Kaawo Godey iyo meelaha ku dhow.