WARARKA SOOMAALI

James Swan oo gaaray Magaalada Kismaayo iyo kulan gaar ah oo socda

By Xuseen Post

February 23, 2021

Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa Goordhow gaaray Magaalada Kismaayo Xarunta Jubbada Hoose, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Wakiil James Swan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulkaas iyo xubno kale, waxaana loo galbiyay dhinaca Madaxtooyada.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa Xarunta Madaxtooyada, iyadoo kulankaas uu yahay mid gaar ah.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlaya xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guurka ee lagu jiro iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka ka dhacaya gudaha Soomaaliya.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in James Swan uu sigaar ah Madaxweynaha Jubbaland ugala hadlayo ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ka dhacaya Muqdisho.

Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jira sidii Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland uga soo qeyb geli lahaayeen shirka Wadatashiga Muqdisho, si xal looga gaaro is mari waaga ka taagan hirgelinta hannaanka doorashada.