Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo Guddiga horay u shaaciyay in la qabanayo doorashadooda.
Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada ayaa lagu shaaciyay in 1-da Bisha Maarso oo Beri ah la bilaabi doono tababarka Ergada doorashada lana shaacin doono Guddiyada Ergooyinka.
Sidoo kale Guddiga waxaa ay sheegeen in Maalinta talaadada ah oo taariikhdu tahay 2-da Bisha la diiwaangelin doono musharrixiinta lixda kursi halka Maalinta xigta ee Khamiista ah taariikhduna tahay 3-da Maarso la qabanayo doorashada lixda kursi ee kala ah.
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si dardar leh u wada doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Maamulka uu soo gaba-gabeeyay deegaan doorashada labaad ee Magaalada Baraawe.