WARARKA SOOMAALI

Jadwalka Doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo la shaaciyay

By xuseen waashitoon

December 12, 2021

Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta oo Axad ah soo saaray Jadwalka diiwaan-gelinta kuraas ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada ayaa waxaa ay ku sheegeen in diiwaan-gelinta ergada doorashada iyo Musharaxiinta u tartameysa afar kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Somaliland ay bilaabaneyso 13-ka bishaan kuna egtahay 16-ka December 2021.

Guddiga doorashada ayaa Musharaxiinta u sharaxan kuraasta tirsigoodu kala yihiin HOP229, HOP262, HOP224 iyoo HOP225 ku wargeliyay inay u diyaar garoowan diiwaan-gelinta kuraasta lasoo dhaafay ee doorashadooda maalmaha soo socda ka dhaceysa Muqdisho.

Shalay ayey aheyd Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta uu shaaciyay in xal buuxa laga gaaray khilaafkii ka dhex jiray Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.