Site icon HORUFADHI MEDIA |

Jabhadda uu hoggaamiyo Feysal Falaalug oo weerar culus ku qaaday Saldhiga Booliska Laascaanood.

Laascaanood (HM) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar markale Jabhadda uu hoggaamiyo Korneyl Feysal Falaalug xalay ay ku qaaday Ciidamada maamulka Somaliland ee ka howlgala magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Weerarka oo ahaa mid xoogan isla markaana mir ahaa ayaa ciidamada jabhada xoreynta Gobalada SSC la beegsatay xarunta qeybta Booliska ee gobalka Sool ,Dowladda hoose iyo xarumaha maamulkaas ku sugan yahay ee halkaas ka dhow.

Wararka aan ka helayno Dad goob joogayaal ah oo ku toosay dagaalka ayaa sheegaya in dagaalku ahaa mid  foolka fool ah oo socday muddo hal saac ah, kaas oo la’isku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi xalay ay jabhadu ku qaaday gudaha magaalada Laascaanood.Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda Magaalada Laascaanood ayaa Saaka degan, waxaana lagu soo warramayaa in dableydii weerarka qaaday ay isaga laabteen halkaasi.

Habeen ka hor ayey aheyd markii ay isla jabhaddani weerar ku qaaday xerada Buurta Sayidka ee duleedka Bari ee Magaalada Laascaanood halkaasi oo ay dagan yihiin Ciidamo maleeshiyaad ka amar qaata maamulka Soomaaliland.

Ciidamadda iyo xubnaha maamulka Soomaliland ee ku sugan Laascaanood ayaa waxaa soo food saartay cabsi xooggan iyadoo laga yaabo in ay kusii socdaan weerarada xooggan ee lagu beegsanayo fadhiisimaha iyo goobaha maamulkaas iyo waxa u shaqeeya uu kaga sugan yahay Gobalka Sool.

Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco Horufadhi News

Exit mobile version