WARARKA SOOMAALI

Jaaliyadda Khaatumo ee London oo kulan xaasaasi ah la yeelatay Aqoonyahankii Ex G11.

By News Hour

May 12, 2017

Magaalada London waxa ka dhacay kulan balladhan oo ay ka soo qaybgaleen Odayaasha, Waxgaradka iyo xubnaha Halgamayaasha ah ee jaaliyadda Khaatumo ee London iyo laba ka mid ah Aasaasayaashii Khaatumo State oo kala ah wasiirkii hore ee Warfaafinta Dawladdii Soomaaliya Dr Abdelkareem Hassan Jaamac iyo Dr Ali Ciise Abdi madaxa hay’ada Nabadgalyada, dhaqaalaha iyo Amniga daraaseysa ee HESPI.

Kulanka oo shabakada Horufadhi ogaatay inuu ahaa is xog waraysi, dood ku saabsan halka xaalada umadda reer Khaatumo marayso iyo sidii loo dersi lahaa dhibaatooyinka bini’aadanimo ee deegaanka ka jira, sida Abaaraha, Xanuunada iyo Waanwaanta meesha wanaagsan maraysa ee labada qoys ee wada dhashay ayaa dhamaantood is faham iyo isu soo dhawaansho laga gaadhay.

Waxana ay labada aqoonyahan ka warameen marxaladaha guud ee siyaasada Khaatumo, shirar iyo isu soo dhaweyn guud ahaan umadda Khaatumo ah oo lagu hawlan yahay, waxaase xubnihii jaaliyadda London si weyn uga codsadeen in laga hortago burbur ku yimaada maamulka Khaatumo, ayadoo aan marnaba garab laga doonan karin kuwa maamulada hareeraha u shaqaynaya ee doonaya in maamulkaas lagu kala dareero si arimahooda guracanu hergalaan, waxayna walaac ka muujiyeen koox isugu jira madaxdhaqameed, Ganacsato iyo Danaystayaal kale oo dhamaantood ilaashana waxyaalo aan masiiri ahayn balse heer shakhsiyadeed ama juffeed ah, labada Odey ayaa balan qaaday inaysan marnaba raali ka ahayn burburka astaanta ay ayagu gacmahooda ku Unkeen, waxayna balan qaadeen inay sameenayaa sikasta oo wax ugu hagagayaan umaddooda, maamulkoodana uu noqon dooni mid la saxo ee aan la burburin.

Inkastoo markii hore dood kulul, gacal  Cun iyo is guubaabin badan la is dhaafsaday ugu deynbeyntii waxa la garoowsaday sida ay lagama maarmaanka u tahay midnimo ku salaysan Khaatumo oo Hareeraha laga joogsado. Waxii khaldan oo la isla wada fahmeyna sida ugu dhakhsaha badan loo saxo, umaddana loo badbaadsho.

Horufadhi.com@gmail.com