WARARKA SOOMAALI

Itoobiya oo isku dayday inay Xasan Sheekh u diido Shirkii Midowga Afrika

By xuseen waashitoon

February 17, 2024

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay isku day dowladda Itoobiya ku dooneysay in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu hor-istaagto inuu ka qeyb galo Shirkii Midowga Afrika ee Maanta ka dhacay magaalada Addis Ababa.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in falka Itoobiya kula kacday Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa uu yahay mid jebiyay dhammaan hab-maamuuska diblomaasiyadeed iyo kan caalamiga ah.

“Tallaabadani waxay jebisay dhammaan hab-maamuuska diblomaasiyadeed iyo kan caalamiga ah, uguna sii daran’e’, dhammaan dhaqamada aas-aasiga ah ee Midowga Afrika.” “Hab-dhaqankani waxa uu ku biirayaa liiska sii kordhaya ee falalka gurracan ee ay ku kacaysay dawladda Itoobiya muddooyinkii u dambeeyay” ayaa lagu yiri Warka.

Wasaarada Arrimaha dibadda Xukuumadda ayaa sidoo kale Midowga Afrika ka codsatay inay baaritaan degdeg ku sameeyay arrintan, lagana fiirsado inay Itoobiya sii ahaato xarunta Midowga Afrika.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyey Itoobiya inay sameysay xushmad darro, iyadoo ku dhaqaaqday in saraakiisha amniga ay isku dayeen in ay u diidaan inuu galo halka shirku ka socday Madaxweynaha.

Wararka laga helayo Addis ababa ayaa sheegaya in saraakiisha Itoobiyaanka ee habdhowrka xarunta Midowga Afrika ay isku dayeen inay Madaxweyne Xasan Sheekh ka reebaan ilaalada Amniga ee la socotay, taasoo isku dhac abuurtay, kadibna ay ogolaadeen inuu hoolka la galo.