HORUFADHI MEDIA |

Itoobiya oo Ciidankeedii kala baxaysa Soomaaliya-Video

Muqdisho (HM)-Dowladda Itoobiya ayaa dib ula baxeysa kumanaan askari oo caawinayay dowladda Soomaaliya, kuwaasoo xoojin u ahaa Ciidamada uga midka ah AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Saraakiil ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa xaqiijiyay in Ciidamo gaadhaya illaa 3 kun askari oo aan qeyb ka aheyn howlgalka AMISOM laga saarayo Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan Itoobiyaanka ee laga saarayo Soomaaliya ay yihiin Ciidanka Difaaca Qaranka ee dalkaas, si ay uga qeyb qaataan howlgalka ka dhanka ah Kooxda TPLF ee ka socda waqooyiga dalka Itoobiya.

Ciidamadan ay dib ugu yeertay dowladda Itoobiya ayaan aheyn 5-ta kun askari ee dalkaas uga midka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Arrintan ayaa la rumeysan yahay inay keeni karto xaalad amni ah, haddii Ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneyn kuwa AMISOM ay faarujiyaan deegaano ka tirsan Gobolada Koofureed ee ay saldhiga ku leeyihiin.

Exit mobile version