WARARKA SOOMAALI

Isbitaalka Guud ee Degmada Warsheekh oo la xirya & Ciidamo hubeysan oo galay

By xuseen waashitoon

December 11, 2022

Maamulka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa amar ku bixiyey in la xiro Isbitaalka guud ee degmadaas, kadib Warqad kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha degmada Xasan Maxamed Axmed (Xasan Darafey).

Qoraalka uu soo saaray Guddoomiye Darafey ayaa waxaa lagu sheegay in lagu joojiyay howlihii shaqo ee ka socday Isbitaalka Warsheekh, isla markaana amar ku bixiyey in aan la furi karin Isbitaalka illaa inta laga xalinayo khilaaf ka taagan Maamulka Isbitaalka.

Intaas kadib ayaa waxaa la sheegay in ciidamo ka socda maamulka degmada Warsheekh oo fulinaya amarka soo baxay ay gudaha u galeen isbitaalka, iyaga oo kadib albaabada isugu laabay, sida lagu arkayey sawirro lagu faafiyay baraha Bulshada.

Arrintaan ayaa waxaa ka dhashay walaax xoogan, waxayna dadka deegaanka ay sheegeen in uu saameynayo xirnaasha isbitaalka guud ee degmada Warsheekh oo howlo muhiim ah u haayay bulshada kunool degmad iyo tuulooyinka hoostaga.

khilaaf muddo soo taagnaa oo u dhaxeeya maamulka degmada Washeekh iyo Dalladda Warmocad oo gacan ku heysa maamulka isbitaalka ayaa sababtay in Isbitaalkii guud ee degmadaasi la xiro dhowr jeer.