Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa isbadal ku sameeyay taliska booliska degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood, waxa uuna magacaabay taliye ku xigeenka qaybta guud ee gobolka Banaadir.
Gaashaanle sare Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle, ayaa loo magacaabay taliye ku xigeenka qaybta guud ee gobolka Banaadir waxa uuna badalay Kornal Waaweyne oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray qarixii ka dhacay saldhiga booliska degmada Waabari.
Farxaan Maxamed ayaa loo magacabay taliyaha Boondheere waxaana lagu badalay Captan ismaacil Sacid.
Yaxye Maxamed Ibrahim oo Loo yaqaano (Yaxye Casuuro) ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Boliiska Degmada Dayniile.
Gaashaanle Macalin Aadan ayaa Loo Magacaabay Taliyaha Boliiska Degmada Dharkenley ee Gobalka Banaadir, waxaana Laga qaaday Saldhiga Degmada C/casiis.
Hadaba Halkaan ka akhriso Taliyaasha Maanta La Magacaabay.
1-Macalin Aadan Saldhiga Dharkenley
2-Axmed Bootaan Saldhiga Wadajir.
3-Ismaaciil Siciid Jaamac Saldhiga Waaberi.
4-Xasan Cabdulle Bashiir Saldhiga C/casiis.
5-Yaxye Casuuro Saldhiga Dayniile
6-Zakeriye Cabdullahi Saldhiga Hodan.
7-Farxaan Maxamed Saldhiga Bondheere.
8-Abuukar Sh/Aadan Taliye Ku xigeenka Kaxda.
9-Cumar Axmed Taliye ku-xigeenka Bondheere.