HORUFADHI MEDIA |

Is-qabqabsiga ka taagan xulista wakiilada Soomaliland ee Baarlamaanka Soomaaliya-Akhriso

Muqdisho (HM)- Is-mari-waaga xulista wakiiladda Maamulka Somaliland ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u muuqda mid galay mar-xalad cusub iyaddoo illaa hadda aysan muuqan dedaalo lagu doon-doonayo xal waara.

Tirro sharci-dejiyeyaal ah kana soo jeeda gobolada waqooyi ee dalka oo Talaadada maanta ah ku shiray caasimada Muqdisho ayaa mucaaraday go’aankii uu afhayeenka Aqalka Sare ka qaatay soo xulista xubnaha cusub.

Xildhibaanada oo taageeray qorshaha Villa Soomaaliya ee ah in xukuumadda soo magacowdo guddiga xulista ayaa ku eedeeyay gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi “in uu dayacay mas’uuliyadii metelaada Somaliland”.

Mudaneyaasha oo ku adkeystay in aysan jirin sharci Xaashi awood u siinaya in uu soo magacaabo guddiga xulista ayaa si lamid ah waxay ku dhaleeceeyeen in uusan ka qeybgelin shirarkii looga heshiiyey doorashooyinka 2020-21.

Dhawaqa kasoo yeedhay mas’uuliyiintan ayaa caddeynaya in xubnaha gobolada waqooyi ku metala dowlada federaalka uu dhexdooda khilaaf ka jiro una kala qeybsan yihiin qaar taageersan dowladda, iyo kuwa kasoo horjeeda.

Gudoomiye Xaashi oo horey u qiray in aysan isku waafaqsaneyn qoraalka uu soo saarey ayaase rajeeyay in ay shir wadatashi isugu imaan doonan.

Mar walba oo xarig-jiidkan sii daba-dheeraado isla markaana dhinac walba ku adkeysto mowqifkiisa waxay sababi kartaa faragelinta daraf saddexaad iyo in ay dharbaaxo ku noqoto fulinta jadwalka doorashadda ee lagu balamay.

Jadwalka doorashooyinka ayaa haatan dib u dhac uu ku yimid si gaar ah qodobada xeerinaya magacaabida guddiyadda oo loo balansanaa 10 illaa 20 October iyo xulista baarlamaanka 10aad oo loo madalsanaa 1-da bishan November.

Muddo xileedka baarlamaanka haatan jooga wuxuu dhamaanayaa 27-ka December, sidda uu sheegay afhayeenka Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, kaasoo xusay in ay sii joogayaan in bedelkooda la helayo.

Exit mobile version