WARARKA SOOMAALI

Imtixaanka shahaadiga Dugsiga Sare ee Dowladda oo saaka ka bilaabaya  dalka

By xuseen waashitoon

June 18, 2022

Waxaa saaka Muqdisho iyo dowlad Goboleedyada dalka marka laga reebo Puntland ka bilaabanaya Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, kaas oo ay qaaddo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka.

Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare JFS, ayaa horay u shaaciyay in 18-ka bishan oo maanta ku beegan ardayda Soomaaliyeed u fariiisanayaan Imtixaanka sanad dugsiyeedkaan 2021/22 jadwalka imtixaanka fasalka 12aad.

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya waxay guul urajeynaysaa ardayda Soomaaliyeed ee maanta Imtixaanka galaya.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la geeyay Xarumaha lagu qaadayo Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, kuwaasi oo sugaya ammaanka Ardayda galeysa Imtixaanka shahaadiga ah.