WARARKA SOOMAALI

Imaam Masaajid oo lagu dilay Magaalada Muqdisho & sababta oo la ogaaday

By xuseen waashitoon

February 13, 2023

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo arroornimadii hore ee saaka magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wadajir ku dishay Imaam masaajid ku yaalla degmadaas, kooxihii dilkaas geystay ayaana goobta ka baxsaday.

Rag dhallinyaro ah oo watay Bastoolado ayaa dilay Imaamka oo lagu magacaabi jiray Sheekh Mukhtaar Cabdi Xaamud, isagoona Imaam ka ahaa masaajidka Maqaamul Ibraahim ee ku yaalla meel ku dhow Jaayga degmada Wadajir ee Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in marxuumka la toogtay, xilli uu kasoo baxay masaajidka uu salaadii subax ee saakay kusoo tujiyey Jamaacadda masjidka, wuxuuna u geeriyootay rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Imaam Sheekh Mukhtaar Cabdi Xaamud ayaa kamid ah wadaadadii ka qayb-galay shirkii Culimada Soomaaliyeed ee dhowaan lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo laga soo saaray go’aanno ka dhan ah Al-Shabaab, waana sababta loo beegsaday marxuumka.

Ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi iyo howlgallada xigay.