WARARKA SOOMAALI

IGAD oo War kulul kasoo saartay xiisada ka jirta dalka Suudaan, xili Ciidamo farabadan…

By xuseen waashitoon

October 26, 2021

Xoghayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee iminka ka jirta Sudan, waxa uuna sheegay in uu si dhow ula socdo xaaladda dalkaas.

Xoghayahu waxa uu si kulul u cambaareeyay isku day kasta oo lagu carqaladeynayo dowladda KMG ah, waxa uuna ku booriyay dhamaan dhinacyada inay dulqaad muujiyaan.

Wuxuu ku baaqay in si dhaqsi ah loo sii daayo Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk, iyo dhamaan hogaamiyeyaasha siyaasadda ee xiran.

Suudan waxa ay iminka heysaa hogaanka meertada ah ee Urur Goboleedka IGAD, waana xubin muhiim ah oo ka mid ah aas aasayaasha IGAD, iyadoo ururka uu garabtaaganyahay uuna taageersanyahay shacabka iyo dowladda KMG ah ee Sudan, si loo xoojiyo guulaha Nabadda iyo demoqraadiyadda.