WARARKA SOOMAALI

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo la fuliyay

By Xuseen Post

May 22, 2021

Ciidamada Xoogga dalka ururka 41-aad Guutada 5-aad Qeybta 27-aad oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Dagmada Buulo-burte iyo deegaano hoos-yimaado ayaa waxay ku bur-buriyeen fariisimo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas.

Labo xidigle Xuseen Xasan Joodax (Xuseen Horow) oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in ay deegaanka Afcad ku dileen ilaa iyo lix ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dambeeyay ka dib markii, maleeshiyada Al-Shabaab weerar fulaynimo ah ay ku soo qaadeen degmada Buula-burte, halkaasina khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyadii fara ku tiriska ee weerarka soo qaaday.

Si kastaba Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa dhowr jeer oo horey Gedo uga dhawaaqay howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo laga fulinayo deegaanada Jubbooyinka ay kaga sugan yihiin.