Ciidanka xoogga dalka Qeybta 27-aad ayaa howlgal ballaaran oo lagu ciribtirayo argagisada Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan.
Deegaanada howgalka xooggan uu hadda ka socdo ayaa waxaa ka mid ah Aboorey, Beero-yabal, Wariirey, Galboocale ilaa Yasooman, kuwaa oo dhammaantiood hoostaga degmada Buulo barde ee Gobalkaas.
Howlgalka ayaa qeyb ka ah howlgalka sida guud uu ciidanka xoogga uga wado Hirshabeelle kaas oo maleeshiyada Al-shabaab looga sifeynayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.
Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xooga dalka General Tareedisho oo Hor kacaya howshaa sifeynta ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in horumar weyn laga sameeyay howlgalka.
Si kastaba Ciidanka Xoogga dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgal ka dhan ahaa Al-shabaab ka waday deegaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas ka dhacay dagaalo xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka iyo Al-shabaab.