WARARKA SOOMAALI

Hoggaanka cusub ee Maamulka SSC-Khaatumo oo la doortay & Axmed Karaash oo ka hadlay

By xuseen waashitoon

August 05, 2023

Cabdiqaadir Axmed Aw-cali (Kulmiye) ayaa ku guulaystay hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo ee labada sano ee soo socda, isagoona helay codad dhan 30 cod, halka Musharrixii la tartamayay uu helay 15 cod.

Sidoo kale Dr. Maxamed Shiine ayaa noqday hoggaamiye ku-xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo, kadib doorasho ka socday magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Hoggaanka cusub ee SSC-Khaatumo ayaa arrimaha culus ee horyaalla waxaa kamid ah sidii Goballada looga sifeyn lahaa hadhaadiga Ciidamada Maamulka Somaliland iyo gaadhsiinta dadka deegaanka Maamul xoog leh oo bulshada deegaanku kaga nasato 15 Sano oo hubanti la’aan siyaasadeed iyo Jaahwareer ka taagnaa deegaanka.

Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hamblayo u diray Maamulka cusub ee Maamulka SSC-Khaatumo ee Maanta lagu doortay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Hogaamiyaha SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) iyo Ku-xigeenkiisa Maxamed Cabdi Ismaaciil (Shiine) oo galabta lagu doortay magaalada Laascaanood” ayuu yiri Axmed Karaash.

Gaba-gabadii Madaxweyne Axmed Karaash ayaa u rajeeyay in hoggaanka cusub ay dar-dar geliyaan Arrimaha baaxada leh ee ka jira gobolka oo ay ugu horeeyaan dhamaystirka halganka iyo soo celinta Nolosha bulsho ee deegaan.