Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Hirshabeelle oo Go’aan khilaaf dhalin kara ka qaatay Shirka Madaxda

Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa qaadacay shirka Wadatashiga Qaran ee lagu wado in maanta ka furmo magaalada Muqdisho, shirkan ayaana waxaa isugu imaanaya Dowlada federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Hirshabelle ayaa lagu sheegay in aysan qeyb ka aheyn shirka ka furmaya Muqdisho ee looga hadli doono qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.

Hirshabeelle ayaa sheegtay in aan latashi lagala sameeyn qabsoomida Shirkaan dhacaya oo uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble, iyagoona xusay in aysan waxba ka quseyn wixii kasoo baxa Shirka.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Madaxtooyada Hirshabeelle Qoraalka kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay inay dhowri doontaa fulinta Heshiiskii la gaaray 17dii September iyo heshiiskii kale ee  27dii May  lagu saxiixay Magaalada Muqdisho.

Go’aankan kasoo yeeray maamulka Hirshabelle ayaa kusoo aadaya xili Muqdisho wada joogaan madaxda dowlad goboleedyada dalka marka laga reebo Madaxweynaha Hirshabelle, laman aoga in shirkan saameyn ku yeelan doono go’aanka Hirshabeelle.

Exit mobile version