WARARKA SOOMAALI

Hirshabeelle oo dib u dhigtay Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka

By xuseen waashitoon

March 07, 2022

Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyey inuu dib u dhac ku yimid doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta ku harsan degmada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in dib u dhacaan uu ku yimid arrimo farsamo, balse ay dib ka shaacin doonaan xilliga la qabanayo doorashada kuraastaas.

“Guddiga Doorashoada Hirshabelle (SEIT) Waxuu Ogaysiinayaaa dhamaan daneeyaasha Doorashada in dib u dhac uu ku yimid jadwalkii soo gudbinta guddigu Xulista ergada ee guddigu shaaciyay taariikhda markii ahayd 02/03/2022 sababo Farsamo Awgeed” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Guddiga.

Guddiga ayaa intaas kusii daray inay dib ka soo shaacin doonaa Jadwal kale oo faahfaahsan sida ugu dhaqsiyaha badan, isla markaana doorashada kuraasta harsan ee taalla Magaalada Baladweyne la qaban doono maalmaha soo socda,..