WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Heshiis laga gaadhay Shirkii Jabuuti iyo guddi loo saaray qodobadii Soomaliland diiday-Video

By Abdi rashid

June 17, 2020

Jigjiga (HM)-Wararka laga helayo Jabuuti ayaa sheegaya in Guddigii Farsamo ee kala matalayay Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ee saddexdii maalmood ee la soo dhaafay wada hadalka uga socday dakaas ay ugu dambeyn heshiis kala saxiixdeen goordhweyd.

Dowladda Jabuuti oo shirkan martigelineysay ayaa Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yusuf uu ku guuleystay in mar kale uu isu keeno labada dhinac, kaddib markii dhinaca Somaliland Guddigii matalayay ay isaga baxeen shirka.

Qodob ka mid ah war murtiyeedka oo la isku mari la’aa ayaa ugu dambeyn suura gashay in la xaliyo, taasoo keentay in shirka dib ugu soo laabtaan dhinacii matalayay maamulka Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Guddiga Somaliland ayaa diiday inay wax tanaasul ah ka sameeyaan qodobkii Guddiga Soomaaliya ka socday ku soo dareen ee ahaa Xoriyadda isu socodka dadka labada dhinac, waxaana markii dambe qodobkaas loo saaray guddi gaar ah.

Wararka ayaa hseegaya in war murtiyeedka oo rasmi ah goor dhow la soo saari doona, iyadoo wax ka bedel lagu sameyn doono war murtiyeedkii hore uu diyaarsanaa oo uu ku jiray qodob ay diidaneyd Somaliland Xoriyadda isu socodka dadka labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in heshiis lagu gaadhay wadahadalkii u socday Guddiyada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland inuu qaato wakhti dheeraad ah oo dib la iskula eego qodobada Soomaliland ka biyo diiday.

Guddiyada labada dhinac ayaa waxaa u kala saxiixay heshiiska Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Yaasiin Faratoon.

Wixii kasoo kordha Isha ku hay Horufadhi News

Sawirka Shirka Caawa.@Horufadhi News