WARARKA SOOMAALI

Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo Amar dul-dhigay Ra’iisul Wasaare Rooble

By xuseen waashitoon

May 22, 2022

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray Amar ku socota Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo la xiriira Xeer ay maalmo kahor ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Qoraal uu soo saaray Hantidhawrka Qaranka Maxamed Maxamuud Cali ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble lagu wargeliyay joojinta Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda oo ay Golaha Wasiirradu ansixiyeen Khamiistii lasoo dhaafay.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa sheegay in Xeer-nidaamiyaha la ansixiyay uu ka jiro khaladaad sharci iyo Qodobbo kasoo horjeeda Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (PFM Act 2019) iyo Sharciga Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka. kuwaasi oo wiiqaya hannaanka loo maamulo islamarkaana loo korjoogteeyo hantida Ummadda.

Sidoo kale  Qoraalka uu soo saaray Xafiiska Hantidhawrka ayaa waxaa lagu caddeeyay in hore Wasaaradda Maaliyadda ay SI sharci darro u dhaqan-gelisay Xeer-nidaamiyaha maareeynta Maaliyadda guud, si aan waafaqsaneynin habraacyada uu farayo sharciga.